Heshiis Sharci ah (Legal Agreement)

Shuruudaha iyo Xeerarka

Fadlan si taxadar leh u akhri shuruudahan ka hor inta aadan isticmaalin adeegayada. Cusboonaysiintii u dambaysay: March 22, 2026.

1. Hordhac

Ku soo dhawoow BIRIQ STORE LLC. Shuruudahaan waxay xukumayaan isticmaalka website-keenahttps://biriqstore.com iyo dhammaan adeegyada aan bixino.

Markaad isticmaasho website-ka ama aad order sameyso, waxaad ogolaatay dhammaan qodobada ku qoran halkan.

Haddii aadan ku raacsanayn shuruudahaan, fadlan ha isticmaalin adeegyada.

2. Xogta Shirkadda

Faahfaahinta Shirkadda

BIRIQ STORE LLC
1309 Coffeen Avenue STE 1200
Sheridan, Wyoming 82801
United States

Xiriirka Support-ka

Support@biriqstore.com

WhatsApp: +252616010749

3. Adeegyada Aan Bixino

Waxaan bixinaa adeegyo digital gaming ah oo ay ka mid yihiin:

  • PUBG UC
  • Free Fire Top-up
  • eFootball Coins

Adeegyadan waa kuwo digital ah oo online lagu fuliyo, mana jiraan wax alaab jir ahaan ah oo la diro.

Markaad adeegga isticmaasho, waxaad ogolaatay in qabashada adeeggu bilaabato markii lacagta la xaqiijiyo.

4. Sida Order-ku u Shaqeeyo

Markaad order sameyso:

Waa inaad bixisaa xog sax ah (player ID, magaca iwm)
Waa inaad fahamtaa waxa aad iibsaneyso
Lacag bixinta waa in ay si guul leh u dhacdaa ka hor delivery

Shirkaddu waxay xaq u leedahay inay diido ama joojiso order kasta haddii loo arko mid khaldan ama shaki leh.

5. Waqtiga Delivery-ga

5-30m

Caadi ahaan order-ka waxaa lagu dhammeeyaa 5 ilaa 30 daqiiqo.

Mustaqbalka, haddii API la helo, delivery-gu wuxuu noqon karaa instant.

Fiiro gaar ah: Waqtiga delivery-ga waa qiyaas, lama hubo 100% inuu sidaas ku egyahay.

6. Qiimaha

Qiimaha adeegyada wuu is beddeli karaa wakhti kasta iyadoo aan ogeysiis hore la bixin.

Shirkaddu waxay xaq u leedahay inay qiimaha wax ka badasho marka loo eego xaaladaha suuqa iyo kharashyada kale.

7. Lacag Bixinta

Waxaan hadda aqbalnaa nidaamyada lacag bixinta ee soo socda:

WAAFI PAY

La Helayo

Edahab

La Helayo

Card Payments

Dhawaan

Order lama bilaabayo ilaa lacagta la xaqiijiyo.

8. Lacag Celin (Refund Policy)

Maaddaama adeegyada ay yihiin kuwo digital ah:

  • Lacag lama celinayo haddii order la fuliyo.
  • Lacag waa la celin karaa haddii order la fulin waayo.
  • Lacag lama celinayo haddii customer bixiyo xog khaldan (player ID khaldan iwm).

Tani waa sababtoo ah adeegyada waa digital oo si toos ah loo isticmaalo.

9. Joojinta Order-ka

Order lama joojin karo marka la sameeyo oo processing-ka bilaabato.

10. Mas’uuliyadda Customer-ka

Adiga ayaa mas’uul ka ah inaad bixiso xog sax ah, oo ay ku jiraan:

1
Player ID
2
Magaca Player-ka
3
Nooca Ciyaarta

Haddii aad bixiso xog khaldan, shirkaddu masuul kama aha wixii qalad ah ee dhaca.

11. Shirkado Kale (Third-party)

Si order loo fuliyo, waxaan isticmaalnaa shirkado kale:

PUBG MobileMidasbuy
Free FireGarena Top-up systems
eFootballManual processing xarunta mobile-ka

Markaad adeegga isticmaasho, waxaad ogolaatay in qayb ka mid ah adeegga ay ku xirnaan karto shirkado kale.

12. Waxyaabaha Mamnuuca ah

Bixinta xog been ah ama marin habaabin ah
Khiyaano lacag bixineed ama hawlo sharci darro ah
Chargeback si khaldan loo isticmaalo
Isku dayga in la khiyaameeyo nidaamka
Ku xadgudubka ama aflagaadaynta shaqaalaha

JEBIS-KA XEERARKAN WUXUU KEENI KARAA IN ADEEGGA LAGA GA JOOJIYO.

13. Da’da Isticmaalka

Qofka ka yar 18 sano waa inuu haystaa ogolaansho waalid ama kormeerka qofka mas'uulka ka ah (guardian).

14. Adeeg Caalami ah

Adeegyada Biriq Store waxaa laga heli karaa adduunka oo dhan, hadba inta uu nidaamka tech-ka ogol yahay.

15. Mas’uuliyadda Game-ka

Biriq Store mas'uul kama aha:

  • Haddii game-ku account xiro (ban) ama uu xannibo
  • Isbedelada uu sameeyo game developer-ka
  • Haddi in-game items-ka ay isbedelaan sababo dibedda ah

DHAMMAAN ADEEGYADA WAXA LOO BIXIYAA "SIDAY YIHIIN" (AS IS).

16. Xuquuqda (Intellectual Property)

Dhammaan: Magaca Biriq Store, Logo, iyo Website-ka content-kiisa waa hanti shirkadeed.

Lama isticmaali karo ogolaansho la’aan shirkadda laga helo.

17. Dib u Iibin (Reselling)

Lama ogola in adeegyada dib loo iibiyo adigoon ogolaansho ka helin Biriq Store.

18. Xannibaad (Termination)

Shirkaddu waxay xaq u leedahay inay kaa joojiso adeegga haddii:

Khiyaano lacageed
Jebinta Shuruudaha
Dhaqan xumo
Chargeback abuso

19. Xallinta Khilaafka

Haddii muran dhaco, waa inaad marka hore la xiriirtaa support-ka si loo raadiyo xal ka hor inta aadan tallaabo kale qaadin.

20. Isbedelka Shuruudaha

The Company reserves the right to update or modify these Terms at any time.

Haddii aad sii wadato isticmaalka adeegga, waxaad ogolaatay isbedelada cusub.

21. Nala Soo Xiriir

Haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan shuruudaha, fadlan nala soo xiriir: